Guddiga Shirweynaha Dib u Heshiisiinta Galmudug oo la magacaabay

1764

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa magacaabay Guddiga Qaban qaabada Shirweynaha Dib u Heshiisiinta Galmudug.

Guddigan ayaa ka kooban 12 Xubnood oo labo ay haween yihiin, iyadoo xubnaha ka dhex muuqday ay isugu jiraan xubno ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Siyaasiyiin hore iyo Mas’uuliyiin horay xilal u soo qabtay.

Waxaa ka mid ah xubnaha Guddiga ka dhex muuqda Dr. C/raxmaan Baadiyow oo ah La Taliyaha Arrimaha Dib u heshiisiinta Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) Maxamed Nuur Gacal oo horay Wasiiru Dowle soo noqday iyo xubno kale.

Xubnaha Guddiga ayaa magacaabidooda lagu salleeyay habka awood qeybsiga ee beelaha ku mideysan Maamulka Galmudug.

Magacaabida Guddigan ayaa ku soo aaday, iyadoo ay dhamaatay muddo xileedkii Madaxdii Galmudug, iyadoo magaalada Dhuusamareeb ka dhici doonto gogosha Shirweynaha Dib u heshiisiinta iyo doorashada Maamulka Galmudug.