Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dalka oo maanta Kismaayo tagatya

1254

Guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya Cabdullaahi Abyan Nuur iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa saaka ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Wafdiga guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dalka ee ku wajahan Kismaayo ayaa ka kooban 5 xubnood oo goobjoog ka noqonaya doorashada Aqalka Sare ee ka dhaceysa Kismaayo maalinta berito ah.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinma heer Fedaraal Maxamed Xasan Cirro iyo xubno ka tirsan guddigiisa ayaa horay ugu sugnaa magaalada Kismaayo, iyagoo u tagay dardar gelinta qabsoomida doorashada Aqalka Sare.

Magaalada Kismaayo ee oo ah xarunta KMG maamulka Jubbaland ayaa waxaa siweyn looga dareemayaa u diyaar garoowga doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee qeybta Jubbaland, taasoo beri ka dhaceysa Kismaayo sida uu qorshuhu yahay.