Guddoomiyaha Aqalka Sare oo diiday Gudiga uu Magacaabay RW Rooble

1636

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi cabdillaahi ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble in uu ka tagay Xubno uu u gudbiyay, kuwaas oo uu doonayay in lagu daro Guddiga doorashooyinka Soomaaliya.

Xalay Ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu ku dhawaaqay guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka ee Heer federal, hayeeshee guddoomiyaha Aqalka Sare uu sheegay in xubno uu u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha laga waayay liiska Xubnaha guddiyada.

Qoraal uu soo saaray Maanta guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi cabdillaahi oo la ogeeysiiyay, Madaxweynaha , Ra;iisul Wasaaraah & Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa lagu sheegay in Xubnaha uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble hadii ay ku jiraan Xubno maamulaya doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi aysan ka warqabin,isla markaana matalin.

8-dii Bishii oktoober ee sanadkaan ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare waxaa uu Magacaaabay Xubnaha Gobolada Waqooyi ku matalaya Gudiga doorashooyinka & Gudiga xalinta khilaafaadka, Xubnahaas oo uu sheegay guddoomiye Cabdi Xaashi in laga reebay Guddiyada uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.