Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Gaaray Garoowe

1248

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyam Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimaada Puntland.

Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo wafdigiisa ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, waxaana garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo xubo kale.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Ujeedka Guddoomiye Cabdi Xaashi uu Garoowe uga qeyb geli doono Shir looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya, kaasi oo u furmi doona Madaxda dowlada Goboleedyada iyo Musharaxiinta Madaxweynaha.

Sidoo kale qaar kamid ah musharaxiinta ayaa saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa inay gaaraan Magaalada Garoowe, iyagoona ka ambabixi doona Caasimadda dalka ee Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka.

Shirka ayaa sigaar ah waxaa looga hadli doonaa xaaladad siyaasadeed ee dalka, doorashada ka dhaceysa dalka dhammaadka sanadkaan 2020/21iyo Guddiyada lagu muran yahay ee la magacaabay, kuwaasi oo kasoo horjeedan Midowga Musharaxiinta.