Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo tagay Dhuusamareeb + Sawiro

1542

Wafdi uu hogaaminaayo Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah Maamulka Galmudg.

Waxaana Garoonka Kusoo Dhaweeyay Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug Dr”maxamed Nuur Gacal Wasiiro Iyo Xildhibaanno Katirsan Barlamaanka Galmudug iyo qaybaha kale ee bulshada.

Guddoomiyaha ayaa waxaa socadalkiisa ku weheliya iyo Senataro ka tirsan Golaha Aqalka Sare, waxaana sida la sheegay safarkoodu la xariiraa ka qeeyb galka furinta fadhiga Baarlamanka Galmudug oo lagu wado in uu maanta Furmo.

Sidoo kale wararku waxaa ay sheegyaan in guddoomiyaha iyo wafdigiisu ay halkaas u tageen safar shaqo, balse wali guddoomiyhu ma caddeeyn u jeedkiisa marka laga reebo in ay ka qayb galayaan furitaanka Baarlamaanka Galmudug.