Guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed oo doontay Xildhibaan +SAWIRRO

928

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cali Saciid Fiqi ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey musharraxnimidiisa kursiga HOP#187 ee Golaha Shacabka, Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Fiqi ayaa isla maanta qaatay shahadaada musharaxnimada, isaga oo ka guddoomay guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed.

“Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT) ayaa Shahaadada Musharaxnimada Xildhibaan Gudoonsiiyey Dr Cali Saciid Fiqi oo U-Tartamaya Kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-187,” ayaa lagu yiri war qoraal ah ka soo baxay guddiga.

Kursiga uu haatan isku soo sharraxay Fiqi oo si gaar ah loogu xiray ayaa waxaa horey ugu fadhiyey Shariif Sheekuna Maye oo ka tirsanaa Baarlamaanka 10-aad ee dalka.

Dr Cali Saciid Fiqi oo horey isag oo u ahaa safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa loo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, haddase wuxuu u xuubsiinayaa Golaha Shacabka, isaga oo taageero weyn ka helaya Madaxweyne Cabdiciis Lafta Gareen.

Sidoo kale ninkan waxa ay aad isugu dhow yihiin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, ayada oo wararka ay intaas ku darayaan inuu doonayo inuu u tartamo guddoonka sare ee Golaha Shacabka.

Xubnaha kale ee maanta qaatay shahaadada musharaxnimada waxaa ka mid ah wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya Xamza Saciid Xamza oo u tartamaya HOP#194.

Koonfur Galbeed oo maamullada ugu horreysay doorashada ayaa soo saartay xildhibaano u badan dhalinyaro, kuwaas oo bedalay rugcadaayaashii muddada kusoo jiray Baarlamaanka.