Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo xoog kutagay Baledweyne

66

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle Muuse Salaad Wehliye oo wata gaadiid dagaal ayaa maanta safar dhanka dhulka ah ku gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Muuse Salaad oo safar dhanka dhulka ah uga soo ambabaxay magaalada Jowhar ayaa markii uu soo gaaray gudaha magaalada Baledweyne socod ku dhexmaray wadada ugu muhiimsan magaalada Baledweyne.

Guddoomiyaha cusub ayaa safarkiisa waxaa ku wehlinaayay qaar ka mid ah Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle ee kasoo jeeda gobolka Hiiraan, waxaana uu dagay guri ku yaala agagaarka xarunta maamulka gobolka.

Imaashaha guddoomiyaha cusub ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo ciidamada maamulka la baxay Hiiraan state ee diidan jiritaanka Hirshabeelle ay gacanta ku hayaan xarumaha maamulka gobolka iyo kan degmada Baledweyne, kadib markii si awood ah uga saareen dhawaan ciidankii Hirshabeelle.

Maamulka la baxay Hiiraan State oo goordhaw dhankooda war ka soo saaray imaashaha guddoomiyaha cusub ayaa sheegeen in guddoomiyaha cusub uu magaalada kasoo galay wado aanan horay loo isticmaali jirin, islamarkaana wadooyinka saxda ah ee la isticmaalo ay ku sugan yihiin ciidankooda.

Warka kasoo baxay maamulka Hiiraan State ayaa sidoo kale loogu baaqay dadka shacabka ah iney ka fogaadaan goobaha ay dageen masuuliyiinta ka tirsan Hirshabeelle sababo la xariira xaaladaha dhanka amniga oo mar walba is badali kara.

Dadka ku nool Baledweyne ayaa walaac xoogan ka qaba in markale lagu dul dagaalamo iyadoo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, maadama la isku haayo maamulista magaalada Baledweyne oo ay ku loolamayaan Hiiraan State iyo Hirshabeelle.