DAAWO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo tagay Garoowe

1316

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa gaaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka iyo wafdi Xildhibaano oo la socday, kuwaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyay halkaas.

Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ayaa waxaa Guddooomiye Maxamed Mursal uga hortegay oo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale.

Ujeedka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Garoowe ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo ka furmaya halkaas, xili madash saddexdii sano ee la soo dhaafay ka dhici jirtay Jabuuti.

Daqiiqado kahor Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka degay Caasimadda Puntland iyo wafdi la socday, si ay uga qeyb galaan Shirka Madasha Aragti Wadaagga, waxaana sidoo kale halkaas tegaya Musharaxiinta Madaxweynaha.

Ajandaha shirka sanadkan ayaa waxaa uu yahay mid diiradda lagu saari doono Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya.