Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari oo la doortay

24

Waxaa goordhaw magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, lagu doortay guddoomiyaha cusub ee golaha Wakiiladda maamul goboleedka Waqooyi Bari, kaddib doorasho ay u galeen musharaxiin xilkaasi isku soo taagay.

Doorashada guddoomiyaha waxaa isku soo taagay labo musharax oo kala ahaa Xildhibaan Dr Aadan Cabdullaahi Aw Xasan iyo sidoo kale Xildhibaan Cabdiqafaar Maxamuud Maxamed waxaana doorashada ku guuleestay musharax xildhibaan Dr Aadan Cabdullaahi Aw Xasan .
Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiiladda Waqooyi Bari ayaa kusoo baxay 53 cod uu helay, aqoonyahankan ayaana markii hore si weyn loo saadaalinayay in uu kusoo bixi doono doorashada goordhaw ka dhacday magaalada Laascaanood.

Ninkan ayaa hayb ahaan kasoo jeeda Beesha Hawiye, Cayr, Fiqishini, waana musharraxii ay dhiseysay Dawladda Federaalka oo sidoo kale kamid ah garabka Firdhiye, waxayna sidoo kale tan sii go’aamin doontaa natiijada doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi.

Waxaa hadda socota doorashada guddoomiye kuxigeenka koobaad iyo kan labaad ee golaha Wakiiladda Waqooyi Bari, waxaana marka doorashadan soo dhammaato Baarlamaanka isku diyaarin doonaan doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa oo maalmaha soo aadan dhici doonta.