Guddoomiyaha maxkamadda oo Mindi lagu dilay

1643

Rag Mindiyo ku hubeysan ayaa ku diley degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho guddoomiyihii Maxkamada gobolka Sh/hoose Siciid Cumar Xasan oo loo yiqiin Subeyr.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Sh/hoose ayaa saxaafada u xaqiijiyay falkan waxana ay sheegeen in gudoomiyaha uu dhaawac u geystay mid kamid ah labadii ruux ee weerartay, waxaana gudoomiyaha iyo ninkii uu toogtay ay u geeriyoodeen dhaawac soo gaaray.

Xubno katirsan Ehelka Marxuumka iyo Gudoomiyihii Maxkamadda Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay murmeen Saciid iyo labadii qof ee Mindida ku weerartay.

Lama oga ujeedka ay ka lahaayeen labada nine e ku weerartay guddoomiyaha maxkamada gobolka Sh/hoose iyadoo dhacdadan ay noqoneysa mid ku cusub dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho oo badankood loo adeegsan jirey bastoolado.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Wadajir iyo ciidamada booliskaba.