Guddoomiyaha ONLF ” Itoobiya waxay rabtaa inay dhulkayaga sheegtaan”

895

Guddoomiyaha Xisbiga ONLF Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi Maadey, oo hadalo kooban kasoo jeediyay shir ay mucaaradka dowlad degaanka Soomaalidu ku lahaayeen carriga maraykanka, ayaa waxa uu ka war bixiyay xaaladda degaanka Soomaalidu ku sugan yahay, isla markaana waxa uu dhaliilo usoo jeediyay xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida iyo dowladda dhexe ee federalka Itoobiya.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in wixii  isbaddalka ka dambeeyay Soomaali ahaan aan sidii la rabay looga faa’iidan, isagoo maamulka dowlad degaanka Soomaalida ku eedeeyay inuu ka gaabiyay halkii laga filayay, oo ahayd inuu wax badan ka qabto howlaha dhanka Amniga, Maamulka, midaynta Shacabka.

Iyo in dib u dejin loo sameeyo jabhaddii inta badan halganka ku jirtay, isla markaana magdhaw lasiiyo dadkii kale ee iyaguna dhibaatadu kasoo gaartay dagaalkii mudada dheer degaanka ka socday, waa siduu hadalka u dhigay guddoomiyuhu.

Waxa kale oo uu sheegay guddoomiyuhu in Soomaalidu aysan waxba ka ahayn heer federal, isagoo yiri ” Nalama xurmeeyo, qayb kuma lihin xafiisyada federalka heerka u koreeya iyo kan u hooseeya midna, inyaroo af-dhabaandhab ah oo hal iyo labo oo dadka la tuso mooyee wax kale kuma lihin”. ” Maamulka federalka ee degaankeenna jooga isna waa sidaasoo kale waxaan ku leenahay waa fara ku tiris”.

Waxa kale oo guddoomiyuhu sheegay in dowladda federalka Itoobiya aysan Shacabka Soomaalida u arkin kuwo dalka wax wax kuleh, isagoo guddoomiyuhu taa ka hadlayana waxa uu yiri ” Itoobiya marka saddex loo qaybiyo mid annaga ayaa iska leh, xagga dadkana qolada saddexaad ayaan nahay, Khayraad haddii la yiraahdana qolada koowaad ama labaad ayaan noqonaynaa, marka iyadoo saas awaxay doonayaan inay dhulkayaga sheegtaan oo ay yiraahdaan Itoobiya ayaad tihiin, xaqiisana aysan noo oggolaan”.

Ugu dambayn waxa uu guddoomiyuhu farriin u diray dowladda federalka Itoobiya, isagoo yiri ”  Haddaad wada ogoshihiin inaan wada noolaano si nabadgalyo ah, annagoo xaqayaga helayna, waxeena maamulanayna, waxa la wada leeyahayna si dhab ah uwada qaybsanayna, anaguna waan oggolnahay, haddii kalena ma wada joogayno waana xaqiiq taasi”.

Hadallada Guddoomiyaha ayaa kusoo hagaagaya xilli mucaaradka degaanka Soomaalidu uu shir uga socdo carriga Maraykanka, isla markaana shirkoodaasi ay kaga hadlayaan xaaladda guud ee degaanka Soomaalida iyo dalka Itoobiya.