Guddoomiyaha ONLF oo soo gaaray Muqdisho

692

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya soo gaaray Wafdi ka socda Uturka ONLF oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Ururkaas Cabdiraxmaan Maadeey, iyada oo siweyn loo soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa la sheegay inay casuumaad ka heleen Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud si ay uga qeyb galaan xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha.

Saacadaha soo socda ee Maanta ayaa la filayaa inay Magaalada Muqdisho soo gaaran wufuud kala duean, kuwaas oo Beri Muqdisho uga qeyb galaya xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya.