Guddoomiyahii Guddiga Doorashooyinka Hirshabeelle oo xilka laga qaaday

750

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilka qaadis ku sameeyay guddoomihahii guddiga doorashooyinka maamulka Hirshabeelle Axmed Xasan Diini, isagoona u magacaabay xubin guddiga doorashada ka mid ah Maxamed Xuseen Maxamed Waadi.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa xilka qaadiska guddoomiyahii guddiga doorashooyinka maamulka Hirshabeelle u sababeeyay hagal daacin iyo hufnaan la’aan shaqo iyo inuu qatar galiyay amniga xubnaha guddiga iyo goobta doorashada.

“Xagal daacin iyo hufnaan la’aan shaqo, hab dhaqan aan wanaagsaneen oo aan waafaqsaneen nidaamka Dowliga iyo  Doorashada 2020/2022 oo uu ka leexday guddoomiye Diini” ayaa lagu qoraalka wareegtada xilka looga qaaday Axmed Xasan Diini.

Xilka qaadistii guddoomiyahii guddiga ayaa sidoo kale la tilmaamay iney salka ku haayso liis xalay guddiga doorashada ay ku shaaciyeen bogooda Internetka oo ay ku qornayeen guddiga soo xulista kuraas ka mid ah kuwa doorashadoodu taalo Baledweyne oo guddoomiyaha lagu eedeyay inuusan cidna kala tashan oo uu hareermaray habraaca doorashada.

Xilka qaadistaan ayaa imaaneysa xili maalmahii dambe xubnaha guddiga doorashooyinka ay u kala jabnayeen laba garab oo la kala saftay madaxweyne Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed oo mudooyinkii dambe isku khilaafsanaa hab maamulka doorashada kuraasta taala magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Hoos ka akhriso wareegtada xilka looga qaaday guddoomiyahii guddiga doorashada Hirshabeelle:-