Guddoomiye Cusub oo loo doortay Guddiga xalinta khilaafaadka

1026

Xarunta Hoolka teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta oo Khamiis ah lagu qabtay doorashada Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka kadib markii kal hore Ra’iisul Wasaare Rooble uu Guddiga ka saaray 7 Xubnood oo uu kujiray Guddoomiyihii Guddiga.

laba Musharrax ayaa isku soo taagay Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka, kuwaas oo kala ah Maxamed Cawil Warsame iyo Mustaf Macalin Cali, balse waxaa kusoo baxay xilka Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka Maxamed Cawil Warsame kadib markii uu tanaasulay Mustaf Macalin Cali.

Cod gacan taag ah ayay Xubnaha Guddiga xalinta khilaafaadka dhamaantood ugu codeeyeen Guddoomahooda Cusub ee Maxamed Cawil Warsame oo kamid ah todobada Xubnood ee Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku bedelay todobadii uu Guddiga ka saaray, halka Mustaf Macalin Cali uu kamid yahay Xubnaha Guddiga ee uu soo Magacaabay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Tani ayaa ka dhigay inuu markale ra’iisul wasaaru hantiyey Guddoonka Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee Heer federaal.

Waa guushii labaad ee uu helayo Rooble, kadib markii dhowaan xilka guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka loo doortay Muuse Geelle Yuusuf oo guddiga kasoo galay Puntland, kadib markii ay garab siiyeen Saciid Deni iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan lasii amba qaaday Doorashada Golaha Shacabka oo la filayo in lasoo gabagabeeyo 25 febraayo ee sanadkan 2022-ka.

Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa ah guddi muhiim u ah doorashooyinka, waxaana Shaqadooda ay tahay inay qaadaan dacwadaha la xiriira hadii la isku qabsado kuraasta Baarlamaanka labada Aqal ee la doortay.