Guddoomiye degmo oo qarax ka bad-baaday

1572

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho, kaas oo ahaa miinada dhulka lagu aaso.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay inta u dhexeysa isgoysyada Sanca iyo Fagax ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaari uu lahaa guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, Muuse Geesey Jimcaale.

Dad goobjoogayaal ayaa  sheegay in qaraxaas uusan geysan wax khasaare ah, islamarkaana ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka iyo maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan qaraxaasi.

Maalmihii u dambeeyey waxaa gudaha Caasimada ku soo badanayey qaraxyada nooca miinada ah ee lala eeganayo mas’uuliyiinta dowladda askarta ku sugan M/ Muqdisho.