Guddoomiye ku xigeen degmo oo gurigiisa laga helay isagoo meyd ah

562

Sida laga soo xigtay dad xogagaal ah Guddoomiye ku xigeenkii degmada Garbo ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdilaahi Axmed nuur Sheekh Ibraahim ayaa gurigiisa laga helay isagoo mayd ah.

Lama sheegin sababta uu u dhintay guddoomiye ku xigeenku, balse warar aan wali xaqiiqadooda la hubin ayaa sheegaya inuu isagu is daldalay.

Hay’adaha amniga ayaan wali ka hadlin dhacdadan, inkastoo sida lasoo sheegayo ay socoto baadhis ku aadan waxa keenay dhimashada guddoomiye ku xigeenkii degmada Garbo ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Dhacdadan oo noqotay mid aad looga argagaxo, ayaa ah mid ku cusub degaanka Soomaalida.