Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha Shacabka oo ilaalada oo laga qaaday

1971

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad lagu go’doomiyay guriga uu ku degan yahay madaxtooyada Soomaaliya.

Taliska ciidanka ilaalada Madaxtooyada ayaa amray in ciidanka laga wareejiyo Mahad Cabdalla Cawad,islamarkaana uusan ka bixi karin guriga,sida xogta aan ku helnay.

Sidoo kale, guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka ayaa loo diiday inuu dhaq dhaqaaq sameeyo dibada u soo bixo, sidoo kalena la kulmo Xildhibaanada.

Lama oga sababta xayiraadda loogu soo rogay mas’uulkan,balse warar aan helnay ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu amray tallaabadan maadaama uu Mahad Cabdalla Cawad uu aragti ahaan taageersanaa Ra’iisal wasaarihii xilka laga qaaday ee Xasan Cali Kheyre.