Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Yaaqshiid oo la’ amray in lasooxiro

66

Maxkamadda Degmada Dharkeenley ayaa soo saartay amar rasmi ah oo lagu soo xirayo Maxamed Cabdullaahi Siyaad, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Yaaqshiid, kadib markii uu si toos ah u weeraray xarunta Maxkamadda, isagoo sida lagu sheegay warqadda maxkamadda, si cad u hor istaagay amar maxkamadeed.

Sida ku cad waraaqda amarka soo qabashada ee ay soo saartay Maxkamadda Dharkeenley (Ref: M.D.Dh.Ref.15/2025), Maxamed Cabdullaahi Siyaad ayaa lagu eedeeyay in uu sameeyay falal ka dhan ah sharcig, sida, Hor istaag amar maxkamadeed, Aflagaado iyo hanjabaad, Weerar uu si toos ah ugu qaaday xarunta maxkamadda isagoo wata ciidamo iyo hub sharci darro ah

Wararka la helayo ayaa sheegaya in falka weerarka uu yimid kadib markii maxkamaddu ay qabatay, dacwad ka dhan ah Maxamed Cabdullaahi, taasoo ku saabsanayd in uusan bixin kirada guri uu ka deganaa degmada Dharkeenley, taas oo keentay muran sharci ah oo la horgeeyay maxkamadda.

Maxkamadda ayaa sheegtay in uu si buuxda ugu xadgudbay qodobbada kala ah 263, 267, 268 iyo 269 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (XCS), kuwaas oo quseeya falal liddi ku ah amniga, hanjabaadda, iyo caqabadeynta fulinta amar maxkamadeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Dharkeenley, Dr. Maxamed Aadan Cusmaan, ayaa ku amray Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Dharkeenley in uu si degdeg ah u soo xiro Maxamed Cabdullaahi Siyaad, loona keeno maxkamadda si dacwaddiisa loo qaado.

Waxaa weli la sugayaa war rasmi ah oo kasoo baxa maamulka gobolka ama dowladda hoose ee Muqdisho oo ku saabsan falka eedeysanaha iyo tallaabada laga qaadayo.