Guddoomiye ku xigeenkii Beledweyne oo ladilay

106

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay toogasho ka dhacday gudaha magaalada Beledweyne lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii dhinaca maaliyadda ee maamulkaasi degmadaasi.

Marxuumka oo lag magacaabi jiray Cabdisahal Shuuriye ayaa waxaa lasoo wariyay inay toogasho ku dileen kooxo hubeysan, xilli uu ku sugnaa bartamaha magaalada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda dishay guddoomiye ku xigeeka ay doonayeen inay ka dhacaan taleefoonka, ayna rasaaseeyeen taas oo sababtay dhaawac markii hore soo gaaray, isaga oo mar dambe u geeriyooday dhaawac gaaray.

Sidoo kale ragga dilka gaystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan laamaha ammaanka Beledweyne.

Guddooiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo war soo saaray ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka, wuxuuna faray laamaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan dambiilayaashoa oo goobta isaga baxsaday.

Cabdisahal Shuuriye ayaa dhaa wiil dhalinyaro ah oo firfircoon, isla markaana si wayn looga yaqaanay xaafadaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xaaladda ammaan ee Beledweyne ayaa maalmihii u dambeeyay aad u liidatay, waxaana ka dhacayay falal ammaan darri oo u badan dhac, dil iyo qaraxyo ay mararka qaar ka fuliyaan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.

Beledweyne ayaa xudun u ahayd halka uu kasoo bilowday kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab, haddane waxay weli la daala dhaceysaa xaalado adag.