Guddoomiye ku-xigeenkii degmada Wanlaweyn oo gurigiisa lagu dhex dilay

1338

Guddoomiye ku-xigeenkii degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ee dhanka maamulka iyo maaliyadda Maxamed Cabdullahi Koosto ayaa xalay lagu dhex dilay hooygii uu ka deganaa magaalada Wanllawen.

Weerar ku bilaawday rasaas, kadibna ay xigeen qaraxyo ayaa lagu qaaday guriga guddoomiyaha, waxuuna goor dhaw u geeriyooday dhaawac daran oo soo gaaray.

Sidoo kale waxay dhaawacyo kala duwan soo gaareen Aabihiis iyo xaaskiisii oo loo qaaday xarumaha caafimaadka degmada oo aan sidaas u taag badneyn.

Taliyaha Booliska degmada waxa uu sheegay in ragii geystay weerarkaas ay goobta ka baxsadeen, isla markaana ay hadda ciidamada ammaanku wadaan howlgallo lagu baacsanayo ragii geystay weerarka.