Guddoomiye ku xigeenkii gobolka Sh/Hoose oo la dilay

1620

Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada ee maamulka gobolka Sh/hoose Cumar Maxamed Cilmi (Carabey) ayaa lagu dilay degmada Afgooye sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in Cumar Carabey uu u geeriyooday dhaawacyo culus oo ka soo gaaray qarax loo adeegsaday bam lagu tuuray hoyga uu ka degenaa degmada Afgooye.

Dhaawaca masuulkan ayaa loola cararay markii hore goobaha caafimaadka balse intii loo sii waday ayuu naf baxay sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Afgooye.

Kooxihii bamka tuuray ayaa la sheegay iney ka baxsaday goobta, waxaana sida caadada ah wax yar ka dib goobta gaaray ciidamada amaanka degmada Afgooye oo baaritaano wada.