Guddoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka oo walaalkiis ladilay

263

Kooxo hubeesan oon heebtooda la aqoonsan ayaa saakay xaafad katirsan degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, waxa ay ku dileen wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabayay Cabdiraxmaan Cumar Abshirow.

Wiilkan dhallinyarada ah ee lagu dilay saakay degmada Dharkeenley ayaa warar soo baxaya sheegayaan in dilkiisa ka dambeeyeen kooxo burcad hubeesan oo dhac u geesanayay, kuwaa oo dilka kaddib horey usii qaatay moobeel uu watay.

Ciidamada ammaanka degmada Dharkeenley ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgalo ay ku baadigoobayeen burcadii dilka u geesatay wiilkan dhallinyarada ah oo goobta degdeg uga baxsatay.

Wiilkan saakay lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa la dhashay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahu Cumar Abshirow, mana jiro wax war ah oo laamaha amniga kasoo saareen dilkan.