Guddoomiye Mursal” Golaha Shacabka uma dhisnaa duminta Xukuumadda”+COD

1811

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan sheegay in Golaha Shacabka aysan aheyn Hay’ad loogu tala galay in ay hor istaagto shaqooyinka Xukuumadda ama ay dumiso.

Gudoomiyaha waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay Ogaadaan in Golaha Shacabka ay yihiin Hay’ad Sharci dejin ah oo loogu tala galay in ay la xisaabtanto Xukuumadda Soomaaliya.

Kalfadhiga soo socda ayuu sheegay in ay xooga saari doonaan la xisaabtanka xukuumadda Soomaaliya iyo waliba meelmarinta Sharciyadda doorashooyinka Qaranka.

Mursal ayaa xusay in Xukuumadda Soomaaliya looga fadhiyo soo gudbinta sharciga doorashooyinka Qaranka iyo in Afti dadweyne loo qaado dastuurka ka hor inta aan la gaarin doorasho qof iyo cod ah.