Guddoomiye Mursal oo ballanqaad u sameeyay waxgaradka KGS + COD

1768

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa u ballanqaaday Waxgaradka degaanada maamulka Koonfur Galbeed in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo sii deyn doono Mukhtaar Roobow.

Gudoomiye Mursal ayaa sheegay in uu xaqiijinaayo in uu xoriyaddiisa uu heli doono Mukhtaar Roobow.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed uu dadaal badan ku bixin doono soo deynta Mukhtaa Roobow Cali Abuu Mansuur.

Roobow ayaa ku xiran Magaalada Muqdisho, waxaana soo xiray dowladda dhexe ee Soomaaliya ka dib markii uu Baydhabo ka bilaabay Olole ku aadan Musharaxnimadiisa xilka Madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Soo xiristiisa waxaa ka dhashay Banaanbaxyo ay ku dhinten dad badan,kuwaasoo ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.