Guddoomiyeyaashii Garbahaareey & Buurdhuubo oo xilalkii laga qaaday

2015

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Gedo ahna Madaxa Amniga ee Gobolkaas Cismaan Nuur Xaaji Macalimow oo gaaray degmada Garbahaareey ayaa xilalkii waxaa uu ka qaaday Guddoomiyeyaashii degmooyinka Garbahaareey iyo Buurdhuubo,isaga oo Magacaabey Guddoomiyeyaal Cusub iyo kuxigeenadooda.

Wareegto kasoo baxdey Xafiiska Macalimow ayaa waxaa xilkii looga qaaday Guddoomiyihii degmada Garbahaareey Iimaan Cadow Kaarshe,waxaana xilkaasi loo Magacaabey Xasan Sheekh Cilmi Faarax,sidoo kale waxaa la Magacaabay laba Guddoomiye kuxigeen iyo Xoghayaha degmada.

Sidoo kale waxaa xilkii laga qaaday Guddoomiyihii degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo Xuseen Muxumed Cali,waxaana xilkaas loo Magacaabey Cali Shariif Cabdullaahi.

Dhinaca kale Guddoomiyihii degmada Garbahaareey Iimaan Cadow Kaarshe ayaa kasoo horjeestay xilka qaadista lagu sameeyey,isaga oo sheegay in uu yahay Guddoomiyaha Sharciga ah ee degmada Garbahaareey.

Hoos Ka Akhriso Wareegtooyinka xilka qaadista iyo Magacaabista.