Guddoomiyihii hore Baarlamanka Jubbaland oo markii sadexaad la doortay

89

Golaha cusub ee Wakiillada dowlad goboleedka Jubbaland , ayaa goordhaw magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ku doortay guddoomiyaha cusub ee golahaasi hoggaamin doona, kaddib doorasho natiijadeeda lasii ogaa oo halkaasi ka dhacday.

Kursiga guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubbaland waxaa ku tartmayay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo horey u ahaa guddoomiyaha golaha Wakiiladda Jubbaland iyo musharax kale oo lagu magacaabo Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Keeroy.

Doorashada waxaa ku guuleestay musharax Xildhibaan Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo helay codad gaaraya 65 cod, halka musharaxa la tartamayay Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Keeroy isna helay 7-cod oo kaliya, waxaana xumaaday labo cod oo kale.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Jubbalanad , ayaana markii saddexaad waxaa ku guuleestay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo muddo ka badan 10-sanno kursigan ku fadhiya, waxa ayna ninkan isku xilli soo bilowdeen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo iyana lagu wado in 25-ka bishan ka dhacdo magaalada Kismaayo , ayaa sida lasii og yahay waxaa kusoo bixi doona hoggaamiyaha aan dhicin ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Maoobe).