Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Koonfur Gaalbeed oo xil loomagacaabay

1805

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyihii hore ee baarlamanka Koonfur Gaalbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye u magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya.

Digreeto ka soo baxday xafiiska raiisul wasaaraha ayaa lagu magacaabay Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, oo toddobaadyadii dhowaa uu is-marin waa ka dhex taagnaa isaga iyo xukuumadda.

Wuxuu bedelayaa Daahir Cabdi Cabdullaahi (Dr. Go) oo horeyju haayay xilkasi wasiiru dowlanimo.

Warar ayaa sheegaya in Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye xilkan lagu qanciyey kadib markii ay shaqeyn weyday xabsi guri uu ku ahaa magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay oo lagu qasbayey.

Guddoomiyaha ayaa horey loogu sheegay in la fasixi doono markii uu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha la doortay ee baarlamaanka Koonfur Galbeed, Danjire Cali Saciid Fiqi oo dowladda ay wadatay.

Dowladda ayaa dooneysay inuu si sharaf leh xilka ugu wareejiyo Danjire Fiqi, islamarkaana uusan ka hadlin in loo diiday baarlamanka cusub, hase yeeshee markii uu ku adkeysatay ayaa lagu warramay in xilka wasiiru dowle lagu qanciyey.

Cabduqaadir Shariif Sheekhuna oo ah guddoomiyihii ugu horeeyay ee baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ahaa shaqsigii ugu saameynta badnaa ee dowladda Soomaaliya ka taageeray in meesha laga saaro Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo in la soo qabto Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.