Guddoomiyihii hore ee D/C/casiis oo laxiray+SAWIRRO

1952

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa xirxiray qaar ka mida dad dibad bax looga horjeedo dowladda Federaalka ka dhigayey magaalada Muqdisho, iyagoo hor istaag ku sameeyay saxafiyiin goobtaasi tegay.

Dad dhowr ah ayey ciidamadu xireen, kadib markii ay rasaas ku kala eryeen dadkii isugu soo baxay Fagaaraha Daljirka Dahsoon, waxaana dadka ay ciidamadu xireen ka mid ahaa guddoomiyihii hore ee C/casiis Cusmaan Muxiyadiin Cariif iyo xubno kale oo ka mid ahaa abaabulayaasha Bannaanbaxa.

Dhinaca kale ciidamada Booliska ayaa gacanta ula tegay saxafiyiinta, iyadoo qaarkood qalabkii laga qaatay, qaar kalena loo diiday inay tebiyaan bannaanbaxaasi.

Teleshinaka Universal ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay Qalabkii Warbaahinta xoog uga qaareen Howlwadeeno ka tirsan TV-ga Universal oo xilligaasi duubayey dadka bannaanbaxaya, iyagoo ciidamada ay dil ugu hanjabeen weriyeyashii Universal TV.

Bannaabaxa oo inkastoo dad yar ay ka qeyb galeen, lagana hortegay ayaa dhinaca kale saameyn badan leh, xilli xaaladda siyaasadda dalka ay cakiran tahay oo la isku khilaafsan yahay Doorashada 2020/2021.