Guddoomiyihii Wanla-Weyn oo Shaqadiisa kulaabtay

1432

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa dib shaqadiisa ugu fasaxay Guddoomiyaha Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Abuukar ayaa dib shaqadiisa loogu celiyay Guddoomiye Maxamed Siidow Cabdiraxmaan oo 12-kii bishii April ee 2020 lagu sameeyay shaqo joojin.

Sababta keentay in shaqo joojin lagu sameeyo Siidow Maxamed ayaa waxaa tahay, kadib markii lagu eedeeyay inuu ku lug yeeshay dagaal beeleed xun oo ka dhacay Wan-laweyn, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Siidow ayaa waxaa la faray inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday, isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga.