Guddoomiyihii xaafadda Garsoor ee waqooyiga Gaalkacyo oo ladilay

1868

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, goor dhaw waxaa lagu dilay guddoomiyihii xaafadda Garsoor ee waqooyiga Gaalkacyo, Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Nuur Gees-diir.

Dilka guddoomiyaha ayaa waxaa geystay koox bastoolado ku hubeysan, waxayna sidoo kale weerarkaas dhaawac ugu geysteen nin kale oo la socday guddoomiyaha.

Dableyda oo sida la sheegay tiradoodu dhameyd seddax nin oo dhalinyaro ah ayaa madaxa xabado kala dhacday guddoomiye Gees-diir oo goobta ku dhintay, waxayna qeybaha sare ee jirkiisa dhaawac ka gaarsiiyeen nin kale oo la socday, kaas oo dhaawaciisa loola cararay cisbitaalka guud ee magaalada.

Kooxdii geysatay dilkaas ayaa goobta iskaga baxsatay, waxaana in yar kadib gaaray askar ka tirsan ciidanka isku dhafka ah ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo bilaabay baaritaano ay ku baacsanayaan qoladii ka dambeysay dilka iyo dhaawaca loo geystay guddoomiyihii xaafadda Garsoor iyo ninka la socday.

Ururka Al-Shabaab ayaa durba warbaahintooda ku qirtay in ay dileen Cabdiraxmaan Nuur Gees-diir, waxayna warkooda ku sheegeen in uu xiriir dhaw la lahaa ciidamada PSF-ta Puntland, sidoo kalena uu ka tirsanaa maamulka waqooyiga degmada Gaalkacyo ee Puntland.