Gudiga Dib uheshisinta Dhuusa Mareeb. Oo ku Gacan seerey Dalabkii Beesha Habar gidir.

1585

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Baadiyow) oo la hadlay warbaahinta ayaa ku gacan seeray baaqii odayaasha dhaqanka beelaha Habargidir ee ku aadanaa in dib loo dhigo shirkaasi.

Baadiyow ayaa sheegay in fursad hore ay siiyeen beelaha Habargidir, islamarkaana ay qabsadeen illaa 15-ka bishan, waqtigiina uu dhammaanday.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shirka uu yahay mid ay ka qeyb galayaan ururada bulshada rayidka ah, islamarkaana uusan markale. dib u dhici karin, sida uu hadalka u dhigay.

Shirkan oo labo jeer dib u dhacay ayaa waxaa markii ugu dambeysay la filayey inuu furmo Sabtidii la soo dhaafay, balse ma dhicin.

Weli waxaa jira tabasho ka imaaneyso beelah qaar oo ka biyo diidan qabsoomida shirkaasi7