Gudiga doorashada oo shaaciyay xiliga ay ku dhowaaqayaan doorashada

1655

Guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa lagu wadaa 27-ka bishan May ku dhawaaqdo xilliga doorashada guud ee Soomaaliya la galayo, sida uu dhigayo sharciga doorashada.

Wareysi gaar ah oo ay siisyey idaacadda Goobjoog ee Muqdisho, oo arrinkan wax looga weydiyey ayey Xaliimo Yarey ku tiri” Si fiican ayuu noogu diyaarsan yahay, waxaan sugeynaa sida sharciga doorashada ku dhigan waxaa uu leeyahay 6 bilood ka hor maalinta doorashada loogu talo-galay guddigu waa inuu baarlamaanka hortago, waxay ku aadan tahay 27-ka May, waa waxyaabaha aan hadda ka shaqeyneyno sidii aan baarlamaanka u hortagi laheyn, si fiican ayaan uga shaqeynay”.

Akhriso: Qodobka 13-aad, farqradiisa 3-aad ee sharciga doorashada

Baarlamaanka federaalka ah oo hadda fasax ku maqan ayaan la ogeyn in xilligaas ka hor ay fariisan karaan ama iney la kulmi-doonto uun guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah si ay go’aanka ugu sheegto.

Iyada oo ay sidaa tahay hadana waxaa baarlamaanka federaalka ah uu guddi gaar ah u saaray sameynta habraacyada doorashada, waxaa kale oo isla goleyaasha sharci-dejinta horyaalla sharciga xisbiyada oo dib u eegis ku jira, welina dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada kama heshiin nooca doorashada.