Gudomiye Ku Xigeenka Kowad Aqalka Sare oo Kismaayo gaaray.& kana qeyb Galaya.

1574

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare ee Soomaaliya Abshir Bukhaari iyo siyaasiyiin kale ayaa gaaray maanta magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Jubbaland.

Siyaasiyiinta gaartay Kismaayo ayaa waxaa ka mid ah xildhibaano ka tirsan labada gole waxaana ka mid ah Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo ah guddoomiyaha Xisbiga ileys,Xildhibaan Mahad Salaad iyo qaar kale.

Xubnahan ayaa waxa ay ka mid noqonayaan mas’uuliyiin kala gedisan oo saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ku sii qulqulayay magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in lagu qabto munaasabad lagu caleema saarayo Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo ku guuleystey doorasho Madaxweyne ee lagu qabtay magaalada Kismaayo