Gudoomiyaha Maxkamadda sare oo soo saaray go’aanno culus

1367

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo saaray go’aano culus oo la xiriira xakameynta Coronavirus, si looga hortago fidis xanuunkan oo mar labaad kusoo laba-kacleeyey gudaha dalka Soomaaliya.

Maxkamadda Sare ayaa shaaca ka qaaday in l a joojiyay dhammaan dacwadaha inta aan aheyn kuwa ciqaabta, illaa inta lagu guda jiro cudurka saf-marka ah ee Covid-19.

Sidoo kale qoraal ka soo baxay Maxkamadda Sare ayaa waxaa si gaar ah loogu socod-siiyay hay’adaha Garsoorka dalka iyo laamaha amniga Soomaaliya.

Maxkamaddu waxay sheegtay in ay sii socon doonaan kiisaska dacwadaha ciqaabta ku saabsan, inta laga soo sa

Dhinaca kale warqaddan ayaa waxaa lagu shaaciyey inay sii socon doonaan kiisaska dacwadaha ciqaabta ku saabsan, inta laga soo saarayo go’aan kale oo rasmi ah.

Go’aanadan ayaa kusoo aadaya, xilli dowladda Soomaaliya ay horey usoo rogtay xayiraado lagu xakameynayo fidista cudurka saf-mareenka ah ee Coronavirus.

Halkan hoose ka aqriso:-