Gudoomiyayaasha Dayniile, Boondheere, Shingaani iyo Cabdicasiis oo shaqo joojin lagu sameeyay

129

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shaqada ka joojiyay guddoomiyaal degmo uu ku jiro guddoomiyaha Dayniile oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Gudoomiyeyaasha kale ee shaqada laga joojiyey waxaa ka mid ah Boondheere, Shingaani iyo Cabdicasiis.

Shaqo joojintan ayuu Madaale sabab uga dhigay in guddoomiyaashan ay ka maqnaadeen shir amniga looga hadlayay oo habeenno ka hor ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA SHAQO JOOJINTA