Gudoomiye Cumar Aadan Buul oo madaxiisa laga helay Khorof Xaraar

1721

Wararka ka imaanaya magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari ayaa sheegaya in Booliska Kenya ay heleen qeyb ka mid ah jirka jirka Guddoomiye deegaan oo jimcihii la soo dhaafay ay afduubteen Al-Shabaab.

Guddoomiyaha deegaanka Gumaarey oo ka tirsan Wajeer Cumar Aadan Buul ayaa madaxiisa oo gowracan laga helay deegaan u dhaxeeya Khorof Xaraar iyo Konton.

Booliska ayaa sheegay in Cumar Aadan Buul u egtahay in lagu dilay meel kale, isla markana madaxiisa oo go’an la soo dhigay deegaanka agagaarka deegaanka Khorof.

Al-Shabaab ayaa jimcihii la soo dhaafay weerartay Saldhigga deegaanka Gumaarey, waxaana la sheegay in ciidamadii Booliska isaga carareen deegaanka, taasoo keentay in Al-Shabaab soo afduubtaan mas’uulkii deegaankaas.

Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa waxaa sanadihii u dambeeyay uu marti geliyay weeraro joogto ah oo Al-Shabaab ku qaadayeen deegaanada gobolkaas.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN