Gudoomiye Degmo oo gurigiisa lagu weeraray

1794

Wararka ka imaanaya degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed weerar ku qaadeen guriga gudoomiyihii degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur (Shigshigow).

Ciidamaxda Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa iska caabin xoogan kala kulmay ciidamo daacad u ah Gudoomiyhihii degmada Diinsoor ee xilka laga qaaday kana hor yimid xil ka qaadista lagu sameeyay.

Sida aan wararka ku helnay dadaalo lagu doonayay in xiisada lagu qaboojiyo uuna aqbalo Ibraahim Shigshigow xil ka qaadista lagu sameeyay ayaa horey u fashilmay, waxa ayna taasi keentay in maanta la weeraro gurigiisa.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka dhax maray ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo ciidamada daacada u ah Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee degmada Diinsoor.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah