Gudoomiye ku- baarlamaanka Yurub oo la eryey

242

Baarlamanka Midowga Yurub ayaa maanta u codeeyey inuu xilka ka qaado mid ka mid madaxweyne ku-xigeenadiisa Eva Kaili, sababo la xiriira fadeexad musuq-maasuq oo la tuhunsan yahay inay la xiriirto dowlada Qatar.

Baarlamanka ayaa ansixiyey inay xilkeeda lumiso Kaili. Waxay ka mid tahay lix qof oo ay xireen booliska Belgium, taasoo qeyb ka ah baaritaan ku saabsan musuq-maasuq. Afar ka mid ah ayaa dacwado lagu soo oogay halka laba la sii daayey.

Qareenada Kaili ayaa ku adkeystay inaysan wax dambi ah gelin. hase ahaatee Fadeexaddan ayaa la xiriirta in Qatar ay laaluush siisay xildhibaano ay ka mid tahay Kaili, si ay u saameyso go’aanada ururka

Kiiskan, oo booliska ay ku heleen lacag kaash ah oo badan, ayaa mugdi geliyey sumcaddii baarlamanka Midowga Yurub, oo isu muujiya mid anshax iyo damiir leh, isla markaana cambaareeya xagudubyada xuquuqda aadanaha ee dalalka kale ee caalamka.

Sidoo kale, dalalka horey dhalleeceynta ugala kulmay Golaha, oo uu ku jiro dalka Hungary, ayaa sheegay in Midowga Yurub uu lumiyey heerkii sare ee anshaxa.

“Wixii hadda ka dambeeya Baarlamaanka Yurub ma awoodo inuu si la aamini karo uga hadlo musuq-maasuqa,” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Hungary Peter Szijjarto ku soo qoray Facebook.