Gudoomiye Mursal iyo Farmaajo oo kala booday

1885

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Khilaafka ka dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Labada Gudoomiye Baarlamaanka Dalka leeyahay ay culeys gelin karto Ololahiisa dib udoorashada.

Sida la leeyahay Dawlada hadda Talada Heysa waxay wajaheysaa Cadaadisyo dhowr ah oo kaga imaanaya dhinaca Murashaxiinta Mucaaradka.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa cadeeyey Mowqifkiisa ah sida Villa Soomaaliya ugu tumaneyso Dastuurka Dalka u yaalla.

Waxa uu sheegay in Guddiga Doorashada Xubnaha Gobollada Wuqooyi ka imaanaya uu isaga xaq ulahaa inuu magacaabo balse lagu tix gelin waayey.

Waayeelka Labaatanka sano ka badan Soomaaliya siyaasadeeda kusoo jiray ayaa iska diiday Damaca Farmaajo ee dib udoorashadiisa iyadoo ismari waaga ka dhex jira uu daaha kasoo hormaray.

Sidoo kale Afhayeenka Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa lasoo sheegayaa inuusan ku qancin Qorshaha Farmaajo ayna waxyaabo la isku ogaa wax ka duwan uu bilaabay.

Kulankii Jimcihii Guuleed iyo Mursal dhexmaray ayaa Madaxweyne Farmaajo uu ka dhigay mid khilaafka sii cusleeyey,waxaana dhawaan Gudoomiye Mursal uu la kulmi doonaa Labo Shariif,Labo Xasan iyo Qawaamuurta Kale oo C/raxmaan C/shakuur ka mid yahay.