Gudoomiye Mursal oo diiday dhaarinta Wasiirka Amniga

910

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa ku eedeeyay raysal wasaare Rooble in xukuumadiisu ku xad gudubtay kala socnaanta laamaha dowladda, kadib markii maanta wasiirka cusub ee amniga oo aan helin xasaanad loo dhaariyay xilka loo magacaabay.

Qoraal uu guddoomiyuhu soo saaray ayuu ku sheegay in wasiirka la magacaabay uu ansixiyay islamarkaana uu dhaariyay xubin kale oo kamid ah xukuumada, xilli uu sheegay in la baalmaray waajibaadkii uu lahaa barlamaanka golaha shacabka Soomaaliya.

Guddoomiyaha wuxuu hadalkiisa ku caddeeyay in aanu dalka ku jirin firaaq dastuuri ah islamarkaana uu barlamaanka weli sii shaqeynayo illaa iyo inta barlamaanka kale uu shaqada kala wareegayo.