Gudoomiyihii Degmada Wanla-weyn oo xilka laga qaadaay

1790

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa soo saaray wareegto xilkii looga qaaday Gudoomiyihii Degmada Wanla-weyn Maxamed Siidow Cabdiraxmaan.

“Waxaan Shaqa ka joojin ku sameeyay Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn iyo Gudoomiye ku xigeenka Qorsheynta ilaa amar dambe waxaa xilka Gudoomiyaha Degmada sii hayndoona Gudoomiye ku xigeenka Maaliyadda Degmada” ayuu yiri Guddoomiye Najax oo qoraalkan soo dhigay bartiisa facebook.

Ma sheegin Gudoomiyaha gobolka Sh/hoose sababta xilka looga qaaday gudoomiye Maxamed Siidow Cabdiraxmaan, balse xog lagu kalsoon yahay ayaa sheegaysa in masuulkan uu ka qeyb qaatay hurinta dagaal beeleedyo ka dhacay degmada Wanle weyn sidaas awgeedmna shaqada looga fariisiyey.

Maxamed Siidow Cabdiraxmaan oo ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha ku dagaalamay degmada Wanle-weyn ayaa ku fadeexoobay cod laga duubay oo si weyn u qabsaday baraha bulshada, kaasoo uu ku dalbanayey dhaqaale iyo rasaas ay beeshiisu u baahan tahay xili uu qadka internetka kala hadlayey qurbojoog ay heyb wadaag yihiin.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA XILKA KA QAADISTA