Gudoomiyihii Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo xilka laga qaaday

255

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa wareegto uu soo saaray xilkii kaga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan.

Wareegtada uu soo saaray madaxweyne Guudlaawe ayuu xilka guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ugu magacaabay Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).

Xil ka qaadista madaxweynaha Hirshabelle ku sameeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa imaaneysa xilli uu mudooyinkii dambe khilaaf u dhaxeeyay madaxda sare ee Hirshabelle iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan.