Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland oo geeriyooday

1911

Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland waxaa Saaka ku geeriyooday Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo si weyn looga yaqaanay degaanada maamulka Puntland.

Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa 20-kii sano ee ugu dambeeyay ka shaqeynaayay degaanada maamulka Puntland, waxaana uu ahaa nin si weyn loogu yaqaano Qadiyadda maamulka Puntland iyo dhismihiisa.

Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa soo noqday Guddoomiyihii hore Ee Barlamaanka Puntland, Wasiirkii hore Ee Howlaha Guud Ee Puntland iyo Wasiirkii Hore ee Kalluumeysiga Puntland.