Gudoomiyihii is maamulka Garissa oo laxiray +SAWIRRO

1328

Gudoomiyihii Ismaamulka Garissa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya Cali Bunow Qorane ayaa saaka la soo taagay Maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi

Cali Bunow Qorane ayaa lagu soo oogay eedeymo musuqmaasuq ah waxaana ka mid ah inuu ku guul darreystay maamulka lacagihii dadweynaha ee Ismaamulka.

Waxyaabaha loo heysto waxaa ka mid ah inuu lunsaday malaayiin dollar oo loogu talo galay in lagu qarash gareeyo la dagaalanka cudurka COVID-19

Cali Bunow ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay oo uu ku tilmaamay iney yihiin kuwo aaney waxba ka jirin

Guddiga Anshaxa iyo la dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa shalay soo xiray Gudoomiyaha Ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane, kuwaasoo sheegaya iney cadeymo buuxa u hayaan eedeymaha loo soo jeediyey gudoomiye Bunow.

Dhinaca kale Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi barri ee dalka Kenya waxaa saaka ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday xarigii shalay loo geystay Guddoomiyaha ismaamulka Gaarisa ee dalkaas.

Dadweyne careysan oo isugu jiray dhalinyaro, Haween, Caruur iyo Odayaal ayaa isugu baxay waddooyin ku yaalla Gaarisa, iyagoona sheegay inay aad xun yihiin xariga Guddoomiye Cali Bunow Qorane.