Guurtida Somaliland oo muddo kordhin u sameeyay Golaha Wakiilada

1618

Golaha Guurtida Somaliland ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Hargeysa waxay muddo kordhin sagaal bilood ah u sameeyay Wakiilada Somaliland.

Kulanka oo ay soo xaadireen 70 xubnood oo ka mid ah Guurtida ayaa looga arinsaday muddo kordhin loo sameeyo Golaha Wakiillada, taasoo maalmahanba doodeeda ay taagneyd.

Guurtida ayaa waqti kordhin u sameeyay Wakiilada, taasoo ka dhigan in doorashada Baarlamaanka ee Somaliland ay dhaceyso Bisha December 2019, waxaana xubnahan waqtiga loogu daray uu muddo xileedkooda ku eg yahay January 2020.

Si kastaba ha ahaatee mudo kordhintan maanta la sameeyay ayaa ku soo beegmeysa xili uu jiro khilaaf xoog leh oo u dhexeeya Xisbiyada Waddani, UCID iyo Kulmiye.