Saacado kadib ayuu Hanti-dhowrka Qaranka Axmed Ciise Guutaale uu kaso jawaabay eedeymo culus oo uga yimid maxkamadda Gobolka Banaadir halkaasna looga yeeray waxaana war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay qodobo u muuqda in labada Hay’addood ay isku haystaan oo midba midka kale ku eedeeynayo inuusan sharciga dalka u degsan u hogaansamin.
Warka kasoo baxay xafiiska hanti dhowraha Qaranka ayaa lagu yiri “Si Waafaqsan Qorshaha sanadlaha ah ee Baarista Hantidhowrga Guud ee sanadka 2024, heerarka kaladuwan ee Maxkamaduhu waxa ay kamid yihiin hay’adaha dowladda ee Xafiiska Hantidhowrka Guud uu ku sameynayo Baarista u hoggaansanaanta Sharciga ee sanadlaha ah sidaas awgeed Xafiiska Hantidhowrka Guud waxa uu si kala madaxbannaan ula wadaagay Maxkamada Gobolka Banaadir, Racfaanka iyo Maxkamadda Sare Warqadaha Billowga Baarista u hoggaansanaanta sharciga”.
Hanti dhowraha ayaa ku eedeeyay Dhammaan 3 derejo ee Maxkamaduhu ay ka jawaabi waayeen islamarkaana xaqiijin waayeen helidda Warqadaha billowga Baarista u hoggaansanaanta sharcioga sida ay uga soo jawaabeen hey’adaha ee dowladda oo ay kamid yihiin labada aqal ee Baarlamanaka, Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’isalwasaaraha.
Tallaabadii xigtay uu Xafiiska hanti dhowrka Qaranka qaaday ayaa lagu sheegay in Maxkamadaha loo diray Emailo xusuusin ah iyo Xiriiro Telefoon, intaas kaddib Ku xigeenka Hantidhowraha Guud ee dhinaca Baarista, La taliyaha sare e sharciga iyo Sargaal gaarsiineed ay 3 Warqad ee Billowga Baarista ay gacanta ugu qaadeen dhammaan Maxkamadaha, hayeeshee Sargaalka Xusuus-dhowrka Maxkamadda sare waxa uu u sheegay mas’uuliyiinta ka socotay hantidhowrka in uu qabo Amar uusan ku qabin karin Wax ka socda Xafiiska Hantidhowrka Guud.
Waxaana ka dhalatay dhammaan arrimahaani oo dhami in Xafiiska Hantidhowrka Guud ay u caddaatay in guddoomiyaha Maxkamadda u ku kacay is-hortaagga Baarista sanadlaha ee Hantidhowrka waxa uu 11 February, 2025 ku waregeliyey Madaxda saree e dowladda sida Madaxweynaha JFS, Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka, iyo Ra’isalwasaaraha.
Halkaan hoose ka akhri Muhiimadda iyo Sababaha loo qorsheeyey Baarista Maxkamadaha:-