Hargeysa oo ka billowday raafka dadka Ajaanibta ah +SAWIRRO

1143

Ciidamada Waaxda Socdaalka ee Somaliland ayaa Maanta magaalada Hargeysa ka bilaabey raafka ama qab qabashada qaar ka mid ah dadka ajaanibta ah, gaar ahaan Itoobiyaanka suuqyada dawarsada iyo kuwa shaqooyinka hoose qabta ee bilaa sharciga ah.

Waxaa la arkayay Ciidamada Waaxda Socdaalka Somaliland oo dhexmaraya waddooyinka Magaalada Hargeysa, kuwaas oo qab qabanaya Hooyooyin iyo dad kale oo da’ah ah, kuwaas oo u dhashay dalka Itoobiya, iyaga oo isugu geeynayay hal Goob si dalkooda loogu celiyo.

Dadka ayaa Ciidamada waxaa ay ku qaadayaan basas waaweyn, waxaana howlgalkaaa Maanta siweyn looga dareemay Magaalada Hargeysa oo ay ku sugan yihiin Boqolaal kalenl oo Ajaanib ah, kuwaas oo qaarkood Shaqooyin waaweyn ka haaya.

Howlgalkan ka dhanka ah Ajaanibta oo ay Ciidamada Somaliland Maanta ka bilaabeen Magaalada Hargeysa ayaa kusoo aadaya xilli Somaliland dhawaan Magaalada laas-Caanood kasoo musaafuriyeen dad kasoo jeeda Koonfur Galbeed, iyaga oo sheegay inay u arkaan inay yihiin Ajaanib.