Harry Kane Oo Rikoodh U Dhigay Xulka Qaranka England Xilli Xulka 3 Libaax Guul Ku Soo Xidheen Is Reeb-Reebka Euro 2020

1758

Weeraryahanka ahna kabtanka Xulka qaranka England ee Harry Kane ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee England ah ee gool dhaliya kulan kasta oo ka mid ahaa kulamadii is reeb-reebka tartanka Euro.

Xulka Qaranka England ayaa xaqiiqsaday booskiisa Tartanka Euro 2020 kadib markii ay guul 7/0 ah ka gaadheen xulka Montenegro waxana ay is reeb-reebka ku dhamaysteen guul 4/0 ah oo ay ka gaadheen Kosovo.

Xiddigaha Harry Winks, Harry Kane, Marcus Rashford iyo Mason Mount ayaa dhaliyay 4-ta gool ee uu xulka qaranka England ku garaacay xulka Kosovo.

Harry Kane aya isku qoray taariikhda England kadib markii uu noqday xiddigii ugu horeeyay ee England ah ee dhaliyay gool kulan walba oo is reeb-reebka tartanka yurub ah.

Sidoo kale weeraryahanka Tottenham ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee 90 sano dhaliyay 12 gool sanad gudihiis kadib markii u 12 gool dhaliyay kulamadii is reeb-reebka Euro 2020.