Haweenay caysay Madaxwayne Xasan Sheekh oo xabsiga ladhigay

12

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaleey, ayaa gacanta ku soo dhigay haweeney lagu magacaabo Malyuun Cawad Xaydar, oo ku eedaysan aflagaado madaxeed iyo anshax-xumo.

Haweeneydan lasoo xiray falka ay ku kacday ayaa ah mid dhaawacaya sharafta iyo karaamada madaxda qaranka, isla markaana baalmaraya Dastuurka iyo shuruucda dalka u dejisan.

“Eedeysanadu waxay ku jirtaa gacanta ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, waxaana si waafaqsan sharciga loogu gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh” ayaa lagu yuri warka kasoo baxay booliiska

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxay ku raad-joogaan shaqsiyaad kale oo ku kacay falal isugu jira anshax-xumo iyo aflagaado ka dhan ah madaxda qaranka, waxa ayna booliiska shacabka ka codsadeen in xogtooda lala soo wadaago dadka ku kacaya aflagaadada madaxda iyo sidoo kale falalka kale ee anshax-xumada ah.