Haweenay ilaah caysay oo Hargaysa lagu xiray

126

Ciidamada booliiska maamulka Somaliland ayaa howlgal gaar ah oo ay sameeyeen saacadidihii lasoo dhaafay gacanta kusoo dhigay haweeney dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay aflagaadeysay Ilaahay.

War kasoo baxay taliska booliiska Somaliland ayaa lagu sheegay in ay soo qabteen Huda Cawaale Xirsi oo dhawaan muuqaal ay faafisay caayaysay illaahay, muuqaalkan ayaana dhaliyay dhaleeceyn badan oo gabadhaasi loo jeediyay.

”Ciidamada Booliska ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysan Huda Cawaale Xirsi oo dhawaan muuqaal ay faafisay caayaysay illaahay.! Hawlgal iyo baadhid dheeriya Ciidanka Boolisku sameeyay ayuu inantaasi kusoo qabtay ” ayaa lagu yiri warka booliiska kasoo baxay.

Booliiska Somaliland ayaana sheegay in baaris kaddib gabadhan si deg deg ah loo horgeyn doono maxkamad , waxa ayna taliska booliiska ugu baaqeen bulshada Somaliland in ay ka fogaadaan arrimaha gabadhan oo kale ku kacday ee xad-gudubka ku ah diinta Isla.